TRiO Ronald E. McNair Postbaccalaureate Achievement
![]() |
TRiO McNair Scholars waxay u adeegaan ardeyda wax ka barta Jaamacadaha ee buuxiya shuruudaha looga baahna, kuwaas oo raba ama jecel in ay diyaariyaan PHD ama in ay noqdaan Macalin Jaamacadeed. |
Mashruucan waxa loo sameeyey, ama loo qaabeeyey in uu ku dhiirigaliyo ardeyda dhaqalahoodu hoseeyo ama ka soo jeeda dadka laga tiro badan yahay ee ku jira jaamacadaha in ay ka fikiraan ama ay qorshahooda ku darsadaan inay yeshaan xirfad macalinimo oo ah mid ilaa heer jaamcadeed ah ama ay diyaariyaan shahaadada PHD-da.
Ardeyda ka qeybqaadata barnaamijkan waxa lasiiya fursado ay ku sameyaan baadhitaano aqooneed iyo aqoonyahano u gaar ah oo hagga amatusa wixii ay u baahdaan. Barnaamijkan waxa loogu magacdarey cirbixiyeen (McNair) oo ku geeriyoodey dayax-gacmeed qarxey sanadkii 1986dii.
Iminka ahaan, waxa jira 179 barnaamij oo u adeega 4100 ardey.Halkan ka sii akhri war bixinta Ku saabsan barnaamijkan McNair,(coenet.us), adigoo mudan si aad wax uga ogaato iyo meelaha u ka jiro barnaamijkan ama jaamacadaha bixiya ee gobolkan Minnesota. Riix Magacyada hoose
Augsburg College McNair Scholars Program
The College of St. Scholastica McNair Scholars Program
Minnesota State University, Mankato Ronald E. McNair Achievement Program
St. Olaf College TRiO McNair Scholars Program
The University of St. Thomas McNair Scholars Program
The University of Minnesota, Twin Cities TRiO McNair Program


